Garoowe, 7 Luulyo 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland Farxaan Cali Xirsi, ayaa maanta Magaalada Garoowe tababar uga furay 30 kamid ah hawl-wadeenada Xafiisyada xiriirka dadweynaha iyo warfaafinta ee Madaxtooyada, Barlamaanka, Maxkamadaha, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Puntland.

Tababarkaan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa lagu baranayaa gudbinta wararka, samaynta sheekooyinka, qaadista muuqaalada iyo sawirrada tayada leh, hab qoraalka, amniga baraha bulshada iyo ka faa’iidaysiga garaadka macmalka ah ee AI.

Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda oo kaashanaysa xafiiska UNTMIS ayaa furitaankiisa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Caarshe Maxamed Siciid, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Eng. Maxamed Ciise Cismaan, Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarka ee Wasaaradda Samiiro Cismaan Saalax.

============DHAMMAAD=========== 

XAFIISKA BAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WARFAAFINTA DPL.

Email: info@moitt.pl.so

Website: moitt.pl.so

Facebook: https://www.facebook.com

Twitter https: https://x.com/moittpuntland