







Garoowe; 6 Abriil 2026 — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta,Hiddaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland, Mudane Farxaan Cali Xirsi, ayaa duleedka magaalada Garoowe ugu sameeyay qado sharaf iyo sagootin Wasiirradii hore ee Wasaaradda.
Munaasabadda waxaa ku wehliyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Bille Maxamuud Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, eng Mohamed Isse Osman , shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo bahwadaagtooda.
Wasiirka cusub ee wasaradda ayaa shaqaalaha Wasaaradda iyo bahwadaagtooda kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo gaaro horumar muuqda oo ku aaddan waajibaadka Wasaaradda.
Gabagabadii munaasabadda, shaqaalaha Wasaaradda ayaa shahaadooyin sharaf guddoonsiiyay Wasiirradii hore ee Wasaradda, iyagoo ku maamuusay kaalintii iyo dedaalkii ay ku bixiyeen horumarinta Wasaaradda intii ay xilka hayeen.
===========DHAMMAAD==============
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka Dowladda Puntland
Email: info@moitt.pl.so
Website: moitt.pl.so
Facebook: facebook.com/moittpuntland
𝕏 Twitter: x.com/moittpuntland