logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Hordhac

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha waa hay’adda ugu sarreysa ee u xilsaaran sidii loo dajin lahaa siyaasadaha iyo sharciyada Puntland ee la xiriira arrimaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha. Waajibaadka Wasaaradda waxaa ugu waaweyn:

  • In la dajiyo, lana kormeero siyaasadaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha. 
  • In la horumariyo kaaba-yaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee maamulka Puntland.
  •  In la ilaaliyo danaha dadweynaha adeegsada Warbaahinta, isgaarsiinta iyo Dalxiiska.
  • In la abuuro dhaqaale ku saleysan aqoon, lana abuuro bulsho wacyi sarreysa. Si ay u gudato waajibaadkeeda, waxaa Wasaaradda hagaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo sharciyada kale ee la xiriira Wasaaradda.
Vision-web
Hiraalka
In muwaadin kasta uu helo adeegyo Waarbahineed oo sugan iyo isgaarsiineed oo la awoodi karo, tayo leh, isla markaana waara.
mission
Himilad
Wasaaraddani waxay u taagan tahay in la horumariyo, sare loo qaado, la isku xiro, lana sharciyeeyo adeegyada Warbaahinta, Boostada, isgaarsiinta iyo Dalxiiska si loo amba-qaado horumar dhaqan-dhaqaale.
core-values-business-5
Qiyamka

  • Daah-furnaan
  • Isla-xisaabtan
  • Sinnaan iyo Caddaalad
  • Hal-abuur