Waajibaadka WAAXDA ISGAARSIINTA IYO BOOSTADA
- Maamulidda
iyo Isku dubbaridka Hawlaha Isgaarsiinta iyo boostadda ee Puntland iyo la
shaqaynta Isgaarsiinta iyo Boostada Guud ee Dalka.
- Fududaynta
hawlaha la xiriira Isgaarsiinta, Boostada iyo horumarintooda.
- Dhiirra-gelinta
iyo hagaajinta tartamada suuqeed ee Isgaarsiinta Puntland.
- Dhaqan-gelinta
qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee la xiriira boostada iyo
Isgaarsiinta.
- Bixinta,
Kala hagista iyo qoondaynta Hirarka Shirkadaha Isgaarsiinta.
- Horumarinta
iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha iyo qalabka boostada Isgaarsiinta.
- La
socoshada Hawlaha Isgaarsiinta sida:- Dhul jeexista, Taagista Biraha,
Khataraha Qalabka Isgaarsiinta iyo tixgelinta danaha Shacabka.
- Diiwaan-gelinta
shirkadaha Isgaarsiinta, laamahooda iyo ka warhaynta raadiyaasha ku
rakiban garoomadda diyaaradaha iyo Maraakiibta.
- Hubinta
iyo ku Dhaqanka shuruucda iyo Xeer-hoosaadyada Isgaarsiinta .