WAAXDA DHAQANKA, HIDDAHA, FARSHAXANKA IYO XOOJINTA NABADDA
Waaxda dhaqanka,farshaxanka iyo Xoojinta nabadda ee wasaaradda warfaafinta puntland waxay utaagantahay astaan dhaqan, hanuunin iyo hagid bulsho.
Waaxda waxaa hoos yimaada kooxaha dhaqanka, golayaasha suugaanta iyo ururo dhaqan iyo dhaqan Sidayaal badan, sidookale waxay dhamaan xiriir iyo isdhexgal laleedahay qaybaha bulshada sida dhalinyarada, haweenka, uheelanayaasha arimaha bulshada iyo dhamaan hay’adaha dawliga ah.
Waaxdu waxay qaabilsan tahay arimaha dhaqanka ee hoos ku xusan
Xoojinta dhaqanka afka iyo hiddaha
Horumarinta Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed
Dhalinyarada in labaro dhaqanka iyo wadaniyadda
Horurumarinta afka iyo suugaanta
Horumarinta farshaxanka iyo toliinka: sida weelka wax lagu shubto dhamaantiis iyo agabka guryaha
Horumarinta farshaxanka
Dhiirigalinta farshaxan layda
Abuuridda fursado ay helaan farshaxanka
Horumarinta siyasada farshaxanka
Casriyaynta farshaxankii hore ee soomaaliyeed
Isdhexgalka bulshada iyo xoojinta nabadda
Badhigyo soogaaneed oo bulshadu ku kulanto
Kulamo dhaqan iyo isdhexgal
Tartamo hibooyinka dadka (got talent)