Hordhac
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha waa hay’adda ugu sarreysa ee u xilsaaran sidii loo dajin lahaa siyaasadaha iyo sharciyada Puntland ee la xiriira arrimaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.
Waajibaadka Wasaaradda waxaa ugu waaweyn:
- In la dajiyo, lana kormeero siyaasadaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.
- In la horumariyo kaaba-yaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee maamulka Puntland.
- In la ilaaliyo danaha dadweynaha adeegsada Warbaahinta, isgaarsiinta iyo Dalxiiska.
- In la abuuro dhaqaale ku saleysan aqoon, lana abuuro bulsho wacyi sarreysa. Si ay u gudato waajibaadkeeda, waxaa Wasaaradda hagaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo sharciyada kale ee la xiriira Wasaaradda.
Hiraalka
In muwaadin kasta uu helo adeegyo Waarbahineed oo sugan iyo isgaarsiineed oo la awoodi karo, tayo leh, isla markaana waara.
Himilad
Wasaaraddani waxay u taagan tahay in la horumariyo, sare loo qaado, la isku xiro, lana sharciyeeyo adeegyada Warbaahinta, Boostada, isgaarsiinta iyo Dalxiiska si loo amba-qaado horumar dhaqan-dhaqaale.
Qiyamka