logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Waajibaadka WAAXDA ISGAARSIINTA IYO BOOSTADA

cropped-cropped-cropped-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_Arms.png
  1. Maamulidda iyo Isku dubbaridka Hawlaha Isgaarsiinta iyo boostadda ee Puntland iyo la shaqaynta Isgaarsiinta iyo Boostada Guud ee Dalka.
  2. Fududaynta hawlaha la xiriira Isgaarsiinta, Boostada iyo horumarintooda.
  3. Dhiirra-gelinta iyo hagaajinta tartamada suuqeed ee Isgaarsiinta Puntland.
  4. Dhaqan-gelinta qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee la xiriira boostada iyo Isgaarsiinta.
  5. Bixinta, Kala hagista iyo qoondaynta Hirarka Shirkadaha Isgaarsiinta.
  6. Horumarinta iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha iyo qalabka boostada Isgaarsiinta.
  7. La socoshada Hawlaha Isgaarsiinta sida:- Dhul jeexista, Taagista Biraha, Khataraha Qalabka Isgaarsiinta iyo tixgelinta danaha Shacabka.
  8. Diiwaan-gelinta shirkadaha Isgaarsiinta, laamahooda iyo ka warhaynta raadiyaasha ku rakiban garoomadda diyaaradaha iyo Maraakiibta.
  9. Hubinta iyo ku Dhaqanka shuruucda iyo Xeer-hoosaadyada Isgaarsiinta .