logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Waajibaadka Waaxda Qorshaynta

cropped-cropped-cropped-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_Arms.png
  • Diyaarinta qorshe siyaasadeed, siyaasadaha kormeerka iyo qiimeynta ee hannaanka Wasaaradda
  • Isuduwidda diyaarinta Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 5-Sano ee Wasaaradda si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Puntland
  • Isku-dubbarididda dejinta iyo diyaarinta qorshaha istiraatijiyadeed ee muddada fog ee Wasaaradda, qorshayaasha hawl-maalmeedka iyo miisaaniyadda.
  • Isku-dubbarididda cilmi-baarista iyo raad-reebka wax-ku-oolka ee Siyaasadda Wasaaradda oo ay saldhig u tahay dejinta go'aamo ku saabsan jihada mustaqbalka ee Wasaaradda.
  • Qabashada qiimeynta sanadlaha ah ee Barnaamijyada Wasaaradda iyo Mashruucyada iyada oo lala kaashanayo saamileeyaal kale iyo dib u eegida nidaamka kormeerka iyada oo ku saleysan talooyinka warbixinta
  • Hirgelinta, ilaalinta daacadnimada nidaamka Macluumaadka Maamulka Wasaaradda
  • Dib u eegista siyaasadaha jira iyo hubinta in ay u hogaansamaan sharciyada iyo xeerarka hadda jira
  • Diyaargaroobidda siyaasadda sanadlaha ah, qorsheynta, kormeerka iyo qiimeynta warbixinnada
  • In ay qabtaan shirarka daneeyayaasha si ay u faafiyaan siyaasadda, qorsheynta, kormeerka iyo qiimeynta warbixinnada iyo dib u eegida siyaasadaha iyo istaraatiijiyooyinka ku salaysan ra'yi dhiibashada
  • Diyaarinta qandaraaska waxqabadka Wasaaradda, qorshaha shaqada fulinta, kormeerka iyo qiimeynta hirgelintiisa iyo warbixinta iyadoo loo eegayo waajibaadka Wasaaradda
  • Isku-dubbarididda cilmi-baarista iyo falanqaynta siyaasadda guud ee Wasaaradda si loo xaqiijiyo bixinta adeegyo wax ku ool ah
  • Kormeeridda xogta tirakoobka warbixinnada loo gudbiyo baarlamanka iyada oo la raacayo qawaaniinta Qaranka iyo mabaadiida ku saabsan Wasaaradda
  • Dib-u-eegista siyaasadaha jira iyo hubinta ku dhaqanka sharciyada iyo xeerarka hadda sida ku cad tilmaamaha istiraatijiyadeed ee Wasaaradda