Garoowe, Gobolka Nugaal, Dowladda Puntland ee Soomaaliya | +252 904 873 333

Waaxyaha

WAAXDA DHAQANKA, HIDDAHA, FARSHAXANKA IYO XOOJINTA NABADDA

Waajibaadka

Waaxda dhaqanka,farshaxanka iyo Xoojinta nabadda ee wasaaradda warfaafinta puntland waxay utaagantahay astaan dhaqan, hanuunin iyo hagid bulsho.

Waaxda waxaa hoos yimaada kooxaha dhaqanka, golayaasha suugaanta iyo ururo dhaqan iyo dhaqan Sidayaal badan, sidookale waxay dhamaan xiriir iyo isdhexgal laleedahay qaybaha bulshada sida dhalinyarada, haweenka, uheelanayaasha arimaha bulshada iyo dhamaan hay’adaha dawliga ah.

Waaxdu waxay qaabilsan tahay arimaha dhaqanka ee hoos ku xusan:

  • Xoojinta dhaqanka afka iyo hiddaha
  • Horumarinta Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed
  • Dhalinyarada in labaro dhaqanka iyo wadaniyadda
  • Horurumarinta afka iyo suugaanta
  • Horumarinta farshaxanka iyo toliinka: sida weelka wax lagu shubto dhamaantiis iyo agabka guryaha
  • Horumarinta farshaxanka
  • Dhiirigalinta farshaxan layda
  • Abuuridda fursado ay helaan farshaxanka
  • Horumarinta siyasada farshaxanka
  • Casriyaynta farshaxankii hore ee soomaaliyeed
  • Isdhexgalka bulshada iyo xoojinta nabadda
  • Badhigyo soogaaneed oo bulshadu ku kulanto
  • Kulamo dhaqan iyo isdhexgal
  • Tartamo hibooyinka dadka (got talent)