Garowe, Nugaal Region, Puntland State of Somalia | +252 904 873 333

Services

Adeega .pl.so

Puntland Government Internet Domain

(.pl.so) waa Astaanta Interner-ka Dawladda Puntland oo ay Dawladda masuul uga tahay maamulkeeda Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha Dawladda Puntland.

SHURUUDAHA DALBASHADA

Hay'ad kasta oo Dawladeed waxaa laga rabaa inay soo buuxiso 2-dan shardi:

  1. inay si rasmi ah Wasaaraddu/Hay'addu usoo codsato iyadoo warqadda Codsiga uu soo saxeexayo ugu yaraan Agaasime Guud.
  2. In lasoo buuxiyo Foomka Codsiga si loogu xafido Kayd-ka (Archive)-ka wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Yaa soo dalban kara Adeegan

Adeegan waa mid dawli ah waxaana soo dalbankara Hay'ad Dawladeed oo ku Aas aasantay Dastuurka Dawladda Puntland ama Wareegto Madaxwayne.

Halkee ku soo diraa Codsiga

Fadlan ku soo dir To: admin@moitt.pl.so Cc dg@moitt.pl.so ama waxaad keenta Xarunta Wasaaradda. Sidoo kale, waxaad toos uga soo gudbin kartaa foomka hoose.

Halkan kala deg Foomka iyo Tusaalaha Warqadda Codsiga

Submit Domain Application