logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ฑ๐š๐š๐Ÿ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐

Garoowe, 20-11-,2025 Waxaa Cawa si rasmi ah looga daahfuray Kulliyadda Saxaafadda Puntland (Journalism and Mass Communication), taasoo noqoneysa kulliyaddii ugu horreysay ee noocaan ah ee laga hirgaliyo gudaha Puntland. Kulliyaddan cusub ayaa lagu asteeyey inay noqoto xarun horumarineed oo kor u qaadda aqoonta, xirfadaha iyo hannaanka warbaahinta casriga ah ee gobolka.

Munaasabadda daahfurka waxaa kasoo qaybgalay masโ€™uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Wasaradda Hon. Mohamud Aidid Diririyo Agaasimaha Guud, Mohamed Isse Osman xubno ka socday labada gole ee dowladda, ururka MAP, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda PSU, iyo khubaro warbaahineed oo qayb muhiim ah ka qaatay madasha.

Kulliyadda Saxaafaddu waxay leedahay ujeeddo cad: in lagu tayeyo warbaahinta Puntland, laguna soo saaro suxufiyiin aqoon durugsan leh, xirfad iyo anshax suxufinimo casri ah, si ay door muuqda uga qaataan kobcinta adeegyada warbaahineed ee bulshada.

===========DHAMMAAD==============

Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland

Email: info@moitt.pl.so

Website: moitt.pl.so

Facebook: Wasaaradda Warfaafinta Puntland

๐• Twitter: x.com/moittpuntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *