logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



WASIIRADDA CUSUB EE WASAARADDA WARFAAFINTA PUNTLAND OO SI RASMI AH XILKA ULA WAREEGAY

Garoowe: 5 April 2026; Waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirrada cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen guddiga xil-wareejinta xubno cusub Golaha Wasiirrada dowladda puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng Mohamed Isse Osman ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirrada cusub, isagoo ku hadlay afka dhammaan shaqaalaha Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirradii hore ee Wasaaradda ayaa la dardaarmay shaqaalaha wasaradda iyagoo ku booriyay in ay Wasiirrada cusub ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen iyaga isla markaana ay sii xoojiyaan dadaalladi horumarineed ee Wasaaradda.

Gabagabadii munaasabadda, Wasiirrada hore ee wasaradda ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay shaqsiyaad iyo waaxyo ka tirsan Wasaaradda oo muujiyay dadaal, hufnaan iyo shaqo wanaag intii ay xilka hayeen.

===========DHAMMAAD==============

Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha & Dhaqanka Dowladda Puntland

Email: info@moitt.pl.so

Website: moitt.pl.so

Facebook: Wasaaradda Warfaafinta Puntland

𝕏 Twitter: x.com/moittpuntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *