Garowe 16-02-2020 waxaa Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska shir dib u eegis ah maanta uga qabsoomay Xrunta Horumarinta iyo Cilmi Baarista Puntland ee PDRC.
kulanka oo ahaa mid hal maalin ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Md Cali Xasan Axmed Sabarey, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Maxamed Cusmaan Ciise, Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Khuburo ka tirsan Xarunta PDRC.
shirka ayaa intuu socday waxaa looga doodaday fikirna layska waydaarsaday hanaan qorsheedka Wasaaradda (Strategic Plan).
intii kulanku socday ayaa masuuliyiinta Wasaaraddu kula dardaarmeen Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda sidii waax kasta qorshe hawleedkeeda uga soo bixi lahayd una degsan lahayd qorshe Cayiman, la cabiri karo, la gaari karo, wakhtina leh( SMART).
Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa gaba gabadii Shaqaalaha ku yiri sidan" waxaan balan qaadayaa inaan dhamaan waaxyaha Wasaaradda idinku kor joogtayn doono idinkulana xisaabtami doono shaqa hawleedka aynu isla dajinay si maalinle, Asbuucle iyo Bille ah insha allah si loo gaaro ahdaafta waa wayn ee Wasaaradda u degan"
sidoo kale khubarada Xarunta PDRC ayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda ku amaanay sida ay uga go'an tahay u adeegidda Bulshada reer Puntland iyo isku duubnaanta ka muuqata.
Gaba gabadii Wasiirka ayaa u mahadceliyey hay'adda Horumarinta iyo Cilmi Baarista Puntland ee PDRC doorka firfircoon ay ka qaadatay hirgalinta Barnaamijkan hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa " waxaan aad ugu mahadcelinayaa Hay'adda PDRC guud ahaan gaar ahaan fududeeyayaasha Barnaamijkan Cabdulkarim Xassan iyo Cabdiraxman Biixi oo runtii maanta wakhtigoodii oo dhan si hagar la'aan ah noogu huray inay nagala qayb qaataan Barnaamijkan oo runtii aan rajaynayo inuu miro-dhal u noqon doono Wasaaradda iyo guud ahaan Dawladda Puntland".
ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Md Cali Sabarey ayaa u soo gabagabeeyey kulanka isagoo la wadaagay shaqaalaha hadalo talooyin iyo toosin isugu jiray.
kulankan oo ahaa mid Wasaaraddu wax badan ka faa'iday ayaa ugu danbayn ku soo dhamaaday jawi quruxbadan oo guul ah.
