Garoowe 17 Nofeember, 2025, waxaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland soo booqday masuuliyiin ka tirsan Shirkadda Premier Puntland oo daba joogay xog ku jirtay Shir Jaraa'id oo uu Wasirka Wasaradda Warfaafinta Puntland uga hadlay arrinta la xiriirta e-visa iyo xiriirka ay la leedahay Premier Bank.
Maamulka Shirkadda ayaa Wasaaradda keenay xog iyo caddaymo la xiriirta in Shirkadda Premier Bank Puntland aysan wax xirir ah la lahayn maalgalinta, socodsiinta iyo maamulka Shirkadda ka shaqaysa e-visa, Waxayna sidoo kale sheegeen in aysan sina Qayb uga noqon karin diyaarna u ahayn ka qayb noqoshada wax kasta oo dhaawacaya Jiritaanka Puntland shacab iyo dowladba.
Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey Shirkadda Premier Bank Puntland sida ay isaga bari yeeshay dhibaatada ay madaxda federaalku ku hayaan Soomaaliya iyo sida ay Shirkadda qaybta uga tahay horumarka yo koboca dhaqaalaha Puntland, Waxaana Wasaaraddu u caddaysay masuuliyinta, in aysan war saxaafadeedkeedii ku xusnayn Premier Bank Puntland, sidaas oo kalena looga baahan yahay qaybaha kale haddi aysan ku lug lahayn in ay isaga bari yeelaan.
Wasiirka ayaa Shirkadda Premier Bank Puntland iyo Shirkadaha kale dalka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhaqaalaha danabaysan ku boorriyey in ay iska hufaan wax kasta oo wax yeellayn kara jiritaanka, amniga iyo dhaqaalaha Puntland.






===========DHAMMAAD==============
Xafiiska Baahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.
Email: info@moitt.pl.so
Website: moitt.pl.so
Facebook: facebook.com/moittpuntland
Twitter: x.com/moittpuntland
