logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo ka Warbixiyey shirka uu u Joogo Magaaladda Muqdisho ee Caasumadda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo warbixin gaar ah uu siiyey qaar ka mida Warbaahinta, uga warbixiyey shirka uu u joogo muqdisho kana jawaabay suaalo dhowr ah oo la waydiiyey.

Mar suaal laga waydiiyey khilaafka siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda puntland iyo Dawladda dhexe ee FDS wuxu yiri "anagu waxaan wakiil ka nahay Dawladda uu hogaamiyo Madaxwayne Saciid cabdullahi Deni iyo dadka reer Puntland, fekerka uu qabo mas'uul ka noogu sareeya ayaan anaguna la qabnaa".

Sidoo kale mar wariyuhu waydiiyey waxa Dawlada Puntland saska ka qabto oo uga duwantahay Mamul Goboleedyada kale waxaa hadaladiisi kamid ahaa

"Hadaan ahay wasiirka warfaafinta Puntland, Arimaha Madaxwaynahaygu ka hadlo ama xukuumadaydu waa arimo aan isleenahay waa arimo gar ah, miis in laysugu yimaado laga wada hadlana way istaahishaa, war aan shuruucda wadanka ku dhaqano inta inoogu cad intaasaaba inagu filane, Dastuurka aan dhamaystirano, Dadkeena aan u shaqayno, aynu wax isku ogaano hawlana waan wada leenahay kowo kalena waan kala leenahay"

Wasiirka oo ugu danbayn shirkiisa jaraa'id kusoo afmeeray nabad uu ugu baaqay maamulka somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *