logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Shir is Xog waraysi ah oo maanta ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda
Maanta waxaa xafiiska Wasiirka ka qabsoomay shir dabagal iyo isxog waraysi ah oo u dhexeeyey Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Madaxda sare ee Wasaaradda Warfaafinta. kulanka waxaa shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta MD Cali Xasan Axmed Sabarey sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda MD C/salam Saciid Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda MD Ibraahim Cumar Aadem. shirkan oo Bishiiba mar qabsooma waxaa looga go leeyahay dabagalka hawlaha Wasaaradda iyo habsami u socodka Mashaariicda Wasaaradda. shirka waxaa fikiro lagaga dhagaystay Agaasime waaxeed-yada gaar ahaan Waaxyaha Isgaarsiinta, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Hiddaha, Shaqada iyi Shaqaalaha iyo Dalxiiska. iyagoo ku soo bandhigay fikiro ay damacsanyihiin inay ka hirgaliyaan Wasaaradda 3 bilood ee soo socota. ugu danbayn waxaa qiimayn iyo talo ku biiriyey Masuuliyiinta Wasaaradda iyadoo is xog waraysi dheer kadib kulanka lagu soo gaba-gabeeyey dajinta qorshayaal muhiim u ah hanaanka isku xirka iyo wada shaqaynta Waaxyaha Wasaaradda iyo guud ahaan shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda. Ugu danbayn masuuliyiinta Wasaaraddu waxay Agaasimayaasha la wadageen talooyin iyo hagid ku saabsan sidii shaqada Wasaaradda ay u noqon lahayd mid wax soo saarleh tayana leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *