Garoowe 30-10-2019 Arbaco waxaa sirasmi ah xilka ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland MD Maxamed Ciise Cismaan oo dhawaan la soo magacaabay.
Munaasibadda Xilwareejinta oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda, Agaasimihii hore ee Wasaaradda, Agaasimaha xilka la wareegay, Agaasimaha Wasaaradda Duulista iyo Garoomada DPL, Gudoomiyaha Hay'adda Suxufiyiinta MAP iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda qaybohooda kala duwan.
Munaasibadda oo Madax badani ka hadashay, ugu danbayn waxaa Masuuliyiinta xilka u kala wareejiyey Wasiirka Wasaaradda MD Cali Xasan Axmed Sabarey isagoo Agaasimiha cusub u rajeeyey in illahay xilka u fududeeyo sidoo kale Agaasimihii horena uga mahadceliyey wada shaqayntii iyo hufnaantii uu muujiyey mudadii uu Wasaaradda joogay.
