logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



bandhigga dhaqanka ee xoojinta nabadda iyo Dowlad dhiska
Waxaa caawa oo jimce ah lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta Puntland bandhigga dhaqanka ee xoojinta nabadda iyo Dowlad dhiska, waxaana ka sooqayb galay bahda dhaqanka ee kala duwan sida kooxaha #Maslaxo, golaha #Mahiigaan iyo ururada dhaqanka haweenka.
Barnaamijkaa ayaa waxaa maal galiyey #UNDP waxaana fulintiisa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Hay'ada maxaliga ah ee #ANPPCAN-SOM, waxaa barnaamijkafuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Puntland mudane Maxamed Ciise Cismaan, sidookale waxaa halkaa hadalo ka jeediyey Madaxa Hay'adda Maxamed Bashiir iyo qaar ka mid ah ka soo qaygalayaasii waxaana halkaas lagu soo ban dhigay Riwaayado, Gabayo iyo Ciyaaro dhaqameed kala duwan.
Ugu dambeyna waxaa barnaamijka soo xirtay Agaasimaha Waaxda Hiddaha farshaxanka iyo xoojinta Nabada Xaliimo Cali Warsame (Xaliimo Cali Biyoood).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *