Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/09/2021 magaalada Boosaaso ku soo xidhmay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda xirfadlayaasha Fanka iyo Dhaqanka, kaas oo ay iska kaashanayaa Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Hay'adda #Kaalo waxaana maal galinaya Midowga Yurub kaas oo socday muddo sadex cisho ah.
Tababarkaan ayaa waxaa ka qaybgalay dad ay tiradoodu dhan tahay 50 qof waxayna ka kala socdeen ururada dhaqanka, golayaasha suugaanta, kooxaha fanka iyo shakhsiyaad xirfado iyo hibooyin gaar ah leh.
Tababarka ayaa waxaa soo xidhay isu duwaha Wasaaradda Warfaafinta Isgaaarsiinta Hiddaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Shucayb Yuusuf Ciise.
