Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dib-u-dayactirka 40km oo ka mid ah Wadada Isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Qeybta dayactirka lagu sameynayo wadada Laascaanood-Garoowe, ayaa waxaa ku jira buundooyin, waxaana dhisaysa Dowladda oo ku fulinaysa hab-isku-tashi ah.