logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamud Caydiid Dirir, Oo Booqasho Iyo Kormeer Ku Tagay Telefeshinka Iyo Raadiyaha Dawladda Puntland

Garoowe: 18 agoosto 2024: Wasiirka Warfaafinta puntland, Mudane maxamud caydiid dirir, oo Booqasho iyo Kormeer ku tagay Telefeshinka iyo Raadiyaha Dawladda Puntland.

Maanta, Wasiirka Warfaafinta, Mudane maxamud caydiid dirir, ayaa booqday Telefeshinka iyo Raadiyaha Dawladda Puntland, waxa uu si dhow u kormeeray qaybaha kala duwan ee telefishinka iyo Raadiyaha Dawladda Puntland isagoo mid mid uwaraystay hawl-wadeenada kala duwan , isaga oo kula dardaarmay in heerarka ugu sarreeya lagu gaarsiyo xog sax ah shacabka iyo mid waqtigeeda ku habboon.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka dhegeystay warbixin dhammeystiran oo ugu soo jeediyay Agaasimaha Telefeshinka cali abdi cali (cali kiimiko), kaas oo ka hadlay guulaha hadda la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee horumarinta adeegyada baahinta. Kormeerkan Wasaaradda ayaa daarna ka warqabka iyo xoojinayo doorka warbaahinta, iyo horumarka guud ahaan Puntland.

——————Dhamaad—————

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *