𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞,𝐍𝐨𝐟𝐞𝐞𝐧𝐛𝐚𝐫 𝟏𝟎,𝟐𝟎𝟐𝟒- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Ciise Cusmaan, ayaa maanta ka qaybgalay shirka daah-furka Qorshaha 5-sano ee Horumarinta Dowladda Puntland ee 2024-2029, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorshaynta ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdillaahi Deni, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, Xildhibaanada Golaha Wakiilada, masuuliyiin ka socda hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyo madax kale oo kala duwan oo ka timid qaybaha bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Cabdiqaadir Cabdi Daahir, ayaa ugu horreyn ka hadlay muhiimadda shirweynaha, isagoo xusay in lagu falanqeeyey guulihii qorshaha hore iyo yoolalka cusub ee qorshaha maanta la daahfuray. Wasiirka Qorsheynta Puntland, Mudane Daauud Maxamuud Cumar, ayaa sidoo kale ka hadlay ahmiyadda qorshahaan cusub ee lagu dardargelinayo horumar waara oo Puntland u horseedaya koritaan iyo koboc dhaqaale.
Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa si rasmi ah u daahfuray Qorshaha Horumarinta Puntland ee 2024-2029, isagoo ku bogaadiyey dhammaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka qayb ka qaatay diyaarinta qorshahan muhiimka ah.
