𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟏 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟒:– Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydid Dirir, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabadda caleemasaarka Duqa cusub ee Caasimadda Garoowe, Hon Abdulkadir Geedi
Wasiirku wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiye Geeddi iyo guud ahaan Golaha Deegaanka Garoowe. Isaga oo hadal ka jeediyay munaasabadda, wuxuu xusay in Gudoomiyaha iyo Golihiisa Deegaanka Degmada Garoowe ay si wadajir ah ushaqeeyaan.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka degmada, nabadoono, ganacsato, aqoonyahan, haweenka caasimadda, qaybaha kala duwan ee bulshada Garoowe, iyo marti sharaf kale.
Waxaa la filayaa in hoggaanka cusub ee Garoowe in ay ka shaqeeyaan horumarinta caasimadda, iyaga oo kaashanaya taageerada shacabka iyo dowlad goboleedka Puntland.
