logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Dani oo Sheegay In Al-shabaab iyo Daacish Laga Sifayn Doono Puntland Si aysan Caqabad Ugu Noqon Maalgashiga

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay shirka Maal-gashiga Puntland ee maanta Garoowe ka furmay ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu ay waddo qorshe lagu cirib-tiray kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee weli ku harsan buuraleyda Puntland si aysan caqabad ugu noqon maalgashiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah aysan marmarsiinyo u noqon karin in ay maalgashiga Puntland uga baaqdan kooxaha yar ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuunta buuraleyda fog ee Puntland.

Balse wuxuu sheegay haddiiba ay taasi noqonayso marmarsiinyo looga baaqdo maalgashiga Puntland in xukuumaddiisu ay hadda wixii ka dambeeya dhammaan degaannada Puntland ka sifayn doonto haraadiga Al-shabaab iyo Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *