logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Wasiirka Wasaaradda oo Warbaahinta madaxa banaan ee Puntland ka hawlgasha ugu yeeray inay iska soo diiwaan galiyaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Wasiirka Wasaaradda oo Warbaahinta madaxa banaan ee Puntland ka hawlgasha ugu yeeray inay iska soo diiwaan galiyaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

22-09-2019 Garoowe Wasiirka wasaaradda warfaafinta MD Cali Xasan Axmed Sabarey ayaa shir-jaraa'id uu qabtay ku dhawaaqay in dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl-gasha deeganada Puntland ay is ka diiwaan galiyaan Xarunta Wasaaradda.

isdiiwaan galintan ayuu ku sheegay inay wasaaraddu doonayso inay ku dhaqan galiso sharciga Warbaahinta gaar ahaan qodobka 7-aad farqooyinkiisa 4-aad iyo 8-aad oo qeexaya in hay'adaha warbaahintu iska diiwaan galiyaan wasaaradda warfaafinta.

sidaas awgeed iyadoo nidaamka iyo sharciga la ilaalinayo waxaa warbaahinta laga codsaday inay isku soo diiwaan galiyaan ugu danbayn 15-10-2019.

FG. foomka diiwaan galinta warbaahinta waxaa laga heli karaa xarumaha Wasaaradda ama website-ka wasaaradda www.moitt.pl.so

Fadlan halkan kala deg   http://moitt.pl.so/media-registration/  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *