logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Shirka Golaha Wasiiradda oo todobaadkan ku qabsoomay Magaalada Boosaaso.

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo todobaadkan ku qabsoomay magaaladda Boosaaso, uuna shir Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa looga hadlay Amniga, Xaaladda Siyaasadda Dalka, Dib u eegista Diiwaanka Siyaasadaha iyo Xeerarka Puntland, Dhismaha Goleyaasha Deegaanka iyo Warbixino kale.

sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ayaa golaha uga warbixiyey hanaanka isticmaalka Astaanta Internet-ka (Top level Domain) oo ah .pl.so iyadoo guud ahaan Hay'adaha Dawliga ah ee Puntland laga rabo inay isticmaalaan Astaanta u gaarka ah Puntland ee .PL.SO.

furaha Internet-ka Soomaaliya ee DOTSO (.SO) waa astaan qaran kana wada dhaxaysa umadda Soomaliyeed waxaana waajib ah Xarunkasta oo dawli ah inay Isticmaasho caalamad ay kaga duwantahay Xarunta sida gaar ka ah loo leeyahay.

sidaas daradeed si loo da boolo baahidaa Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland waxay ugu tala gashay guud ahaan Xarumaha Dawliga ah ee Puntland inay u diiwaan galiso Shabakad (Domain Name) u gaar ah si khidmad la'aan ah (Free-ah).

Sidaas awgeed dhamaan Xarumaha Dawliga ah ee Puntland inta aan weli lasoo xiriirin Wasaaradda waxaan ku boorinaynaa inay Wasaaradda la soo xiriiraan si loogu diiwaan galiyo looguna wareejiyoย  bartooda gaarka ah ee loogu tala galay.

si adeegan laguugu qabto waxaad kala xiriiri kartaan Xarunta Wasaaradda ama waxaad fariin qoraal nagala soo wadaagi karataan

E-mail: info@moitt.pl.soย  Xarunta Wasaaradda ama

Maamulaha Astaanta Dawladda Puntland

Asad Ahmed

E-mail: asad@moitt.pl.so

Tell: +252906858873/+252616106669

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *