logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



shirka gudiga la socodka sarifka, Maceeshada iyo Suuqyada Puntland oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta
Maanta oo ay taariikhdu tahay:- 19/12/2020 shir ay isugu yimaadeen Guddiga la socodka sarifka, Maceeshada iyo Suuqyada Puntland iyo qaar kamid ah shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada (Banks) oo ujeedkiisu ahaa in la iska waraysto halka ay marayaan go'aamadii ay soo saartay Dowladda Puntland,ee la xiriirray arrimaha sarifka iyo lacagaha danabaysan. Waxaana la bogaadiyey shirkadihii dhaqan galiyey go'aamadii ka soo baxay Dowladda taas oo la xiriirtay lacagta gaar ahaan furitaanka ku shubashada lacagta shilin Soomaaliga ee Mobeelka.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay in Barnaamijyada loo isticmaalo lacag dirista (Aplications) sida:- Waafi, e-Dahab, Yeel iyo MyCash aan laga dirsan karin Hal doollar iyo wixii ka yar waana la isla qaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *