logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



05 November, 2025: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa ka qayb galay kulanka wada-hadalka warbaahinta iyo Booliska kaasi oo lagu lafa-gurayo badqabka saxafiyiinta, dhowrista madax banaanida warbaahinta iyo la-dagaalanka wararka been-abuurka ah.

Kulankan waxaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mohamed Isse Osman ku wehliyey Taliye xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen, Caydiid Axmed Nuur, Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane, Masuuliyiinta iyo madaxda warbaahinta, Qareeno iyo xubno ka socda bulshada rayidka iyo Bahwadaagta MAP.

Kulanka Sanadle ee Warbaahinta iyo Booliska ayaa ujeedkiisu yahay ka doodista caqabadaha ay wajahaan hawlwadeenada warbaahintu, xal u helista is fahan-daradda, abuurista is-afgarad asaas uu yahay xeerka warbaahinta Puntland iyo dhowrista Anshaxa Mihnada

============DHAMMAAD=========== 

XAFIISKA BAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WARFAAFINTA DPL.

Email: info@moitt.pl.so

Website: moitt.pl.so

Facebook: https://www.facebook.com

Twitter https: https://x.com/moittpuntland 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *