Bandhigga Dalxiiska Puntland 2025 ayaa si guul leh uga qabsoomay magaalooyinka Boosaso gaar ahaan Deegaanka Xeebka Mareero iyo Deegaanka Biyo-kulele, isagoo socday muddo saddex maalmood oo kala 29-30-31 bisha oktoobar, laguna soo bandhigay bilicda dabiiciga ah, dhaqanka, iyo fursadaha dalxiiska ee Puntland.
-Maalinkii Koowaad:
Waxa la qabtay tartan dabaal, tartan kubadda cagta, iyo ciyaaro bakhtiya nasiib ah oo ay shirkadaha ka qaybgalay u qabteen dadweynihii goobta joogay, Iyo Hadal-jeedino kooban ay jeediyeen Masโuuliyiinti kasoo qaybgashay.
Sidoo kale, dalxiisayaashu waxay heleen nasasho iyo madadaalo xeebeed oo Mareera ah.
Maalinki Labaad:
Waxa lagu qabtay deegaanka Biyo Kulule, oo caan ku ah il-biyoodka dabiiciga ah, halkaas oo lagu soo bandhigay madadaalooyin ciyaaro dhaqameedyo Fanka iyo Sugaanta ah, iyadoo lagu soo dhammeeyay nasasho iyo is-dhexgal bulsho.
Maalinki Saddexaad:
Waxaa la qabtay xafladdii xiritaanka, iyadoo la guddoonsiiyay abaalmarino tartamayaashii ku guuleystay muuqaallada dalxiiska, iyo shirkadihii kaalinta weyn ka qaatay Bandhigga Dalxiiska Puntland 2025.
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidda & Dhaqanka ee Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa dhammaan ka qaybgalayaasha iyo Qabqabiyaashi Bandiggq Dalxiiska, shirkadahi, iyo bulshada reer Puntland ee ka qeyb qaatay Qabsoomida iyo Qurxinta bandhigga Dalxiiska Puntland 2025.




============DHAMMAAD===========
XAFIISKA BAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WARFAAFINTA DPL.
Email: info@moitt.pl.so
Website: moitt.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com
Twitter https: https://x.com/moittpuntland
