logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Agaasimaha guud oo ka dhagaystay Warbixinno la xiriira caabuqa #COVID19 iyo culaysyada kusoo siyaaday Gobolka Mudug.
Gaalkacyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Puntland Mohamed Isse Osman, ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay Maamulka Degmada Gaalkacyo Hon Mohamud Abdinur Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug Dr. Abdinasir Sh Ibrahim, Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Gobolka iyo Guddiga La tacaalidda xanuunka Covid19 ee Gobolka oo ka kooban Ganacsato, Wasaaradda Caafimaadka iyo Dhakhaatiir, waxaana uu ka dhagaystay Warbixinno la xiriira caabuqa #COVID19 iyo culaysyada kusoo siyaaday Gobolka Mudug.
Waxaa xoogga lagu saaray qodobbadaan:
1. Sidii Loo heli lahaa Oxygenka oo kamid baahiyaha ugu badan ee soo wajaha dadka xanuunkaan soo rito, waxaa la isla gartay inay Ganacsatadu sii wadaan dadaalkoodii Dowladduna dhakhso ula soo gaarto Oxygen gacanna looga gaysto Warshadda Oxygenka ee Gaalkacyo in dhakhso loo kiciyo.
2. In Bulshada loo sameeyo wacyigalin isugu jirta Warbaahinta, Gaadiid iyo Masaajidda si looga fogaado xarunta Karantiilka ee la geeyo dadka xanuunkaas la jiifa iyo in la hagaajiyo qaabka aasidda dadka xanuunkaas u dhinta si aysan dad kale uga qaadin iyo sidoo kale in la yareeyo isu imaatinka. Dowladda Hoose iyo Police ka gobolka waxay ku guulaysteen in ciidan Police ay geeyaan xarumaha Karantiilka si dadka looga yareeyo.
3. Guddiga la tacaalidda Covid19 ee Dowladda Puntland waxaa laga sugayaa inay goโ€™aan kasoo saaraan Goobaha waxbarashada ee furan qaybna ka ah faafidda caabuqa una baahan goโ€™aanka Guddiga iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *