Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska & Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada ee Dawlada Puntland ayaa maanta shir wadajir ah oo isugu yimaadeen kaga wada hadlay sidii loo cagaarin lahaa loona qurxin lahaa xeebaha iyo goobaha dalxiiska ee Puntland.
Shirkaan waxaa kasoo qaybgalay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Eng, Maxamed Ciise Cismaan,iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo isbedelka cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor iyo Agaasime waaxeedyo iyo la taliyeyaal ka kalasocday labada wasaaradood waxaana ay labada wasaaradood kusoo bandhigeen qorshayaal ay si wadajir ah ugu cagaarin doonaa una qurxin doonaan Xeebaha iyo goobaha kale lagu dalxiiso kuwaas oo ay labada wasaaradood iska kaashanayaan, waxaana qorshahaan qaybtiisa tijaabada ah looga fulin doonaa meelo kamid ah xeebaha Puntland oo ay labada wasaaradood isla asteeyeen, tani waxay sare u qaadi doontaa hormarka dhanka cagaarinta iyo Dalxiiska ee Puntland.