Maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2022 :- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalah Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Puntland State TV ku waas oo dhamaystay labo tababar oo kala ah Tababrka Dajinta Siyaasadaha iyo Fulinta Qorshayaasha iyo tababar kaloo ah Anshaxa xirfadaha Shaqaale iyo Maaraynta Khilaafaadka.
Wasiirka ayaa u mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane, Maxamed Ciise Cismaan iyo Macalimiintii bixinaysay tababarka.
Sidoolake waxaa ay waaxda qorshaynta ee Wasaaraddu soo jeedisay qorshaha Wasaaradda ee 2022.