logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



Tartanka Dhaqanka ee Magaalada Qardho
Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/03/2022 :- Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Waxaa lagu Qabtay Tartan dhaqameedka Hibada iyo hal abuurka ardayda kaas oo u dhexeeyay labo iskool oo laga soo xulay iskoolada hoose dhexe ee Magaalada Qardho kuwaas oo kala ah iskoolka Kubo iyo Iskoolka Nawaawi.
Tartanka ayaana ka koobna Shan qeybood oo kala ah:
1. Ciyaaraha Kubada Cagta
2. Suugaanta qeybaheeda kala duwan .
3. Agabka dhaqanka Soomaalida
4. Ciyaariyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka
5. Farshaxanka ( Arts)
Tarankaan ayaa waxaa iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Jaamacada Puntland State University waxaana maalgalinaya Midowga Yurub.
Markii uu soo dhamaaday tarkarka ayaa waxa ay guddigu ku dhawaaqeen iskuulkasta waxa uu ku guulaystay, Iskuulka Kubo ayaan ku guulaystay labo kaalimood halka Nawaawi uu ku guu laystay saddex kaalimood.
Ujeedka Barnaamijkan ayaa ah in jiilka soo koraya lagu baraarujiyo muhiimda uu u leeyahay dhaqankooda hooyo iyo in ay iyaguna soo bandhigaan hibada uu Eebe siiyey .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *