Maanta oo ay taariikhdu tahay 14/03/2022 :- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Waxaa lagu Qabtay Tartan dhaqameedka Hibada iyo hal abuurka ardayda kaas oo u dhexeeyay labo iskool oo laga soo xulay iskoolada hoose dhexe ee Magaalada Boosaaso kuwaas oo kala ah iskoolka Bandar Qaasim iyo Iskoolka xaaji Mire.
Tartanka ayaana ka koobna Shan qeybood oo kala ah:
1. Ciyaaraha Kubada Cagta
2. Suugaanta qeybaheeda kala duwan .
3. Agabka dhaqanka Soomaalida
4. Ciyaariyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka
5. Farshaxanka ( Arts)
Tarankaan ayaa waxaa iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Jaamacada Puntland State University waxaana maalgalinaya Midowga Yurub.
Markii uu soo dhamaaday tarkarka ayaa waxa ay guddigu ku dhawaaqeen iskuulkasta waxa uu ku guulaystay, Iskuulka Bardan Qaasim ayaan ku guulaystay labo kaalimood halka Xaaji Mire uu ku guu laystay saddex kaalimood.
Ujeedka Barnaamijkan ayaa ah in jiilka soo koraya lagu baraarujiyo muhiimda uu u leeyahay dhaqankooda hooyo iyo in ay iyaguna soo bandhigaan hibada uu Eebe siiyey .
