logo-moitt3
Puntland Portal
Booqo dhamaan Mareegaha Xarumaha Dawladda Puntland
Booqo



𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐚-𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Garoowe, 25 October 2025: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland Mudane Hon. Mohamud Aidid Dirir, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Kala-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni, waxaana wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah uga hadlay arrimo ay kamid yihiin guulaha amniga, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee ka socda deegaanada Calmiskaad, tayeynta ciidanka booliska, adeegyada dowladnimo, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, nabadeynta Ceergaabo, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirizaaq Axmed Siciid, labadiisa ku-xigeen Mudane Maxamed Baari Shire iyo Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, isimada dhaqanka, saraakiil madaxtooyo, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

============DHAMMAAD===========

XAFIISKA BAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WARFAAFINTA DPL.

Email: info@moitt.pl.so

Website: moitt.pl.so

Facebook: https://www.facebook.com

Twitter https://x.com/moittpuntland

Tiktok: https://www.tiktok.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *