Wasiirka Warfaafinta Puntland, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐲𝐝𝐢𝐢𝐝 𝐃𝐢𝐫𝐢𝐫, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 iyo senator ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 (𝐆𝐚𝐚𝐠𝐚𝐚𝐛).
"Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), oo ahaa masuul usoo shaqeeyay dalka iyo dadkaba. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah. Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aamiin.”
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
